Waa maxay Architecture? I nkasta oo ay adagtahay in si dhamaystiran loo sharxo Cilmiga Architecture Marka la eego waxyaaba loo adeegsado iyo qaybaha cilmiga uu ka koobanyahay hadana waxaan isku dayi doonaa inaan u helo qeexid afsoomaali oo sawir sax ah ka bixin doonta waxa uu yahay Architecture ku. Kalmada Architecture waxay ka koobantay laba kalmadood oo Griig (Greek) ah - ἀρχι (Maamule) iyo τέκτων ( Dhise ama Sameeye) - oo hadii soomali loo badalo noqonaysa: Qofka maamula dadka wax dhisa.
Posts
- Get link
- X
- Other Apps

L ix (6) qodob oo Hargaysa kadhigi kara caasimad la tartanta kuwa dunida! Wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo dowladaha hoose oo lasameeyo, dad aqoon lehna loo dhiibo. Qorshe magaaleed (City development plan) dhamaystiran oo ay dajiyeen xeeldheereyaal aqoonteeda leh oo la sameeyo. Golaha deegaanka oo lagu soo xulo Aqoon, tiradoodana ladhimo. Nidaamka cashuuraha dawladaha hoose oo la casriyeeyo lana xoojiyo. Dadwaynaha oo lagu khasbo inay qurxiyaan kana shaqeeyaan wajahada iyo agagaarka guryahooda iyada oo laraacayo Qorshaha loo dajiyay magaalada. Qofka lagu qabto xashiish ama nadaafad xumo oo laga xidho ganacsiga, kadibna lagu xukumo 1000 saacadood oo shaqo dadwayne ah (Community service). Qodobka 1 aad ...